Ra’iisul wasaare Rooble oo si adag ula hadlay guddiyada doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Gudiyadda faray inay ilaaliyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa yimid, kadib markii xubnaha musharixiinta mucaaradka ay cabasho ka keeneen qaabka ay ku bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here