R/W Rooble oo war kasoo saaray doorashadii Puntland ee Aqalka Sare

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo weli booqasho ku joogo dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa ayaa ka hadlay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Rooble ayaa ugu horreyn madaxda, baarlamaanka iyo shacabka Puntland ugu hambalyeeyey qabashada doorashada xubnaha maamulkaasi ee Aqalka Sare.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ku boggaadiyey madaxweynaha Galmudug soo saarista liiska xubnaha u sharraxan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here