Ruto oo isku dayaya inuu qaboojiyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku hawlanaa sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed la galay 1-dii January Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Ruto ayaa magaalada Nairobi ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo safarro kala duwan ku tagey magaalada Nairobi, maalmo kahor, balse aan is arag.

Abiy Ahmed ayaa Kenya ku tagey booqasho rasmi ah xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galayay kalfadhiga lixaad ee shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Arrimaha amniga iyo dhaqaalaha Geeska Afrika ayaa si weyn uga dhex muuqday kulamadii ay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed la yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya, iyadoo aan lagu sheegin qoraallada kasoo baxay Madaxtooyadda Kenya in xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya qeyb ka ahayd ajnadaha wadahadallada.

Ilo-diblomaasiyadeed ayaa sheegay in qorshaha Madaxweynaha Kenya uu ahaa in muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uusan ka kicin xiisada colaadeed. Tan iyo bishii January markii heshiiska badda la saxiixay, Addis Ababa iyo Muqdisho ayaa warbaahinta isku dhaafsanayay hadalo kul-kul, oo xaaladda uga sii daray.

Kenya waxay isku dayday inay dhexdhexaadiso, laakiin Soomaaliya way diiday in wax wada hadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay meesha ka saarto heshiiskii Is-afgaradka.

Dowladda Itoobiya waxay ku adkaysatay, si kastaba ha ahaatee, in heshiiskaas uu ahaa arrimo ganacsi, ee aanu ahayn in dhul Soomaaliyeed lagu boobayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here