Saciid Deni oo ka horymid tallaabooyinkii uu qaaday Axmed Karaash

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid tallaabooyinkii uu maanta qaaday ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Saciid Deni ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu maanta sameeyey Karaash oo horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka guud ee Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Anigoo ah Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here