Saciid Deni oo shaacinayo liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan arrimaha doorashada Aqalka Sare la yeeshay guddoonka iyo xildhibaannada baarlamanka Puntland.

Deni, ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada Golaha Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Puntland, isagoo kala-hadlay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here