Saciid Deni oo shaaciyey liiska xubnaha musharraxiinta ee Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Sooomaaliya.

Deni ayaa soo saaray 22 musharrax oo tartami doona 11-ka kursi ee Puntland ku metala Aqalka Sare, waxaana liiska ka soo muuqday xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Sidoo kale xubnaha liiska waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade), Wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Abwaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Daahir Ayaanle Siciid oo ah ganacsade ay madaxweynaha saaxiibo yihiin.

Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Juurile.

Kuraasta Aqalka Sare saddex kamid ah waxaa ku tartami doona haween, waxayna Puntland buuxisay qoondada haweenka ee 30%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here