Sacuudiga oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Afar Nin oo Soomaali ah

0

NAJRAN – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa shaacisay in maalintii shalay dil lagu fuliyay afar dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ahaa 45 maxbuus Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambiga ah in ay dalka Sacuudiga geliyeen daroogada xashiishka.

 

Maxamed Badal Adam Farax, Cabdinuur Axmad Yassin, Maxamed Cawil Axmad Cali iyo C/raxmaan Xasan Maxamed ayaa lagu dilay xabsi ku yaalla magaalada Najran, ee Koonfurta Galbeed ee Sacuudiga. Tani waxay ka dhigeysaa tirada dhalinyarada Soomaalida ee sanadkan dilka lagu fuliyay 5 qof. Bishii February ayaa sidoo kale la dilay Maxamed Nuur Xuseen Gacal, oo qeyb ka ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay inay dalka Sacuudiga soo geliyeen maandooriye, kuwaas oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad 50 qof.

Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya uga codsaday in laga badbaadiyo xukunada dilka ah, maadaama 5 qof oo iyaga ka mid ah muddo 5 bilood gudahood lagu fuliyay xukunno qoor-goyn iyo dal-dalaad ah.

Ehelada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan qaarkood ay tahriib ku galeen Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, ayna ku khiyaameeyeen inay maandooriye geliyeen dalkaas. Waxay dowladda Sacuudiga ku eedeeyeen inay fulisay dil cadaalad darro ah, iyagoo sheegay in wiilashooda aysan helin maxkamad cadaalad ah iyo fursad ay qareeno ugu difaacaan.

Sacuudiga waxa uu leeyahay nidaam sharci oo aad u adag, iyadoo ciqaabta dilka si joogto ah loogu adeegsado dambiyada la xiriira daroogada, dilka, iyo eedeymaha argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in dilalkan ay muujinayaan go’aanka adag ee dowladda ku wajahday ka hortagga ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada rabshadaha leh, iyadoo xustay in ciqaab adag ay sugayso kuwa dembiyadaas gala.

Sanadka 2024, dowladda Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, kuwaas oo badankoodu lagu helay dambiyada la xiriira maandooriye iyo dambiyo kale.

Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah, maadaama lagu khiyaameeyay in ay maandooriye geliyeen dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay qaadday tallaabooyin lagu caawinayo muwaadiniinta lagu xukumay dilka, hase yeeshee fashil ayaa ka muuqda isku-daygii lagu badbaadin lahaa maxaabiistan, iyadoo maalin shalay ah afar Soomaali ah dil lagu fuliyay, kuwa kalena aysan jirin rajo muuqata oo badbaado ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here