MUQDISHO, Soomaaliya — Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay “la socoto” wararka sheegaya in nidaamka E-visa ee Soomaaliya la jabsaday, iyada oo xustay in weli aan la xaqiijin karin in xogta muwaadiniin Mareykan ah la xaday.
War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socoto xaaladda kadib markii la soo sheegay in hackers lagu qiyaamay inay helayaan xog shakhsiyeed oo ka timid nidaamka fiisaha online-ka ee dowladda Soomaaliya.
Safaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ee dhawaan codsaday e-visa inay taxaddar muujiyaan, isla markaana ilaaliyaan macluumaadkooda shakhsiyeed.
“Waxaa suurtagal ah in xog shakhsiyeed si khaldan loo isticmaalo. Waxaan kula talineynaa dadka codsaday e-visa inay si joogto ah u eegaan iimaylkooda iyo akoonadooda kale ee internet-ka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wararka la helay ayaa sheegay in weerarka lagu qiyaasay inuu saameeyay xogta in ka badan 35,000 qof, oo ay ku jiraan magacyo, sawirro, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaanada iimaylka, iyo xog kale oo shakhsi ah. Heerka saxda ah ee jabsigu weli lama xaqiijin karo.
Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan, balse khubarada amniga internet-ka ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo si loo ogaado cidda ka dambeysa iyo heerka uu gaarsiisan yahay weerarku.
Dhacdadan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan ammaanka nidaamyada elektaroonigga ah ee dowladda, iyadoo dad badan ay ku baaqayaan in la xoojiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo booqdayaasha dalka.



