Safiirka Somalia ee Itoobiya oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay + Sawirro

0

Madaxweynaha Dawladda Etoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqoonsiga si rasmi ah uga guddoontay danjiraha cusub ee Dawladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Ethiopia Ambassador Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay aqalka madaxtooyada Etoobiya ee caasimadda Addis Abeba, waxaana ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia iyo madaxda safaaradda Somaaliya ee Addis Abeba.

Kadib markii danjiraha cusub laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayuu si rasmi ah ugu gudbay una fariistay xafiiskiisa cusub ee safaaradda, halkaas oo ay ka dhacday munaasabad kooban oo hawl-wadeenada Safaaradu ay kusoo dhoweynayeen safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doona dalkaasi Etoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here