Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi

0

QAAHIRA (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh  Cumar ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashadda Masar.

Kulanka oo ka dhacay qeybta martidda ee Safaaradda aya waxaa goobjoog ahaa madaxa Waxbarashadda ee Safaaradda.

Safiirka aya uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Masar deeqaha Waxbarasho ee dalkeenna la siiyo isago xusay in xiriirka Waxbarasho ee Masar iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo muddo fog soo jiray, isla markaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.

Sidoo kalle Safiirka aya ahmiyad gaar ah siiyay in dib loo fasaxay minxooyinkii ka xayirnaa qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Masar, waxaana ka go’an in ardayda loogu shaqeeyo si siman oo cadaaladd ah.

Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay Danjire Ilyaas Sheeq Cumar waxa muuqda inu dedaal badan ku bixiyay dib u soo nooleynta tayadii iyo fursadihii Waxbarasho waxaana meesha laga saaray caqabadihii ardayda ka haystay dhanka Waxbarashada.

Safiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Masar, maadaama howl wanaagsan ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here