Muqdisho, 21, May, 2026— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee iskaashiga iyo walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo horumarinta iskaashiga warbaahinta labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, kor u qaadista is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada, taageerada casriyeynta warbaahinta dowladda, iyo kobcinta iskaashiga dhinaca dhaqanka si loo xoojiyo xiriirka iyo is dhexgalka bulshada labada dal ee walaalaha ah.
Kadib wada hadalka, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho, iyo xarunta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, waxaana Intaas kadib, labada masuul ay booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay qeyb ka tarjumeysa hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diirran ee Wasiirku uga sameeyay xarumaha Wasaaradda, qeybaha Warbaahinta Qaranka iyo Tiyaatarka Qaranka. Danjiruhu waxa uu xusay in Dowladda Türkiye ay sii xoojin doonto taageerada iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo horumarinta xarumaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdifataax Qaasim oo la hadlay Warbaahinta kulanka kadib ayaa tilmaamay kulankani muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga labada dal
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, si loo horumariyo warbaahinta, loo dhowro dhaqanka iyo in la xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.




