Salaam Bank Uganda oo ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah + Sawirro

0

KAMPALA (SMN) – l Salaam Bank Uganda ayaa ku guuleystay abaalmarinta Caalamiga ah ee (IFN) 2024 isagoo noqday Bankiga ugu wanaagsan bangiyadda islaamiga ah.

 

Abaalmarintan Caalamiga ah ayaa waxaa bangiga Salaam Bank Uganda oo xaruntiisa ku taallo magaaladda Kampala gudoonsiiyey Islamic Finance News (IFN).

Xaflada abaal marinta oo lagu qabtay magaalada Dubai ayaa waxaa sidoo kale abaal marino lagu gudoonsiiyey Bangiyo calami ah sida Standard Chartered Bank, HSBC, iyo Bankiga Dhexe ee boqortooyada sacuudiga oo ku muteystay dadaalkooda ku aadan horumarinta nidaamka maaaliyadda Islaamiga ah.

Adeeggyadda uu bixiyo Bangiga Salaam Bank Uganda ayaa waxa ay kaalin muuqata oo la taaban karo ka qaataan kobaca iyo horumarinta nidaamka maaliyadda Islaamiga ee dalka Uganda.

Salaam Bank Uganda oo ah bangigii ugu horeyey ee Islami ah ee laga furo Uganda ayaa abalmarintan ku muteystay sida ay uga go’antahay inuu uu Macaamiishiisa ka haqabtiro adeegyadda maaliyadeed ee waafaqsan Shareecadda Islaamka
Munaasad heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday magaaladda Dubai, ee wadanka isutaga imaaraadka carabta ayaa Salaam Bank Uganda lagu gudoonsiiyey abaalmarinta bangiga ugu fiican bangiyadda Islaamiga ah.

Waxaa gudoomay abaalmarinta Ibrahim M. Abdirahman, oo ah gudoomiyaha Bangiga Salaam Bank Uganda iyo Madaxa fulinta Michael Mande.

Ibrahim ayaa sheegay in Bangiga, oo markii uu soo galay suuqa maaliyadda dalka kusoo kordhiyay horumaro badan kana go’an tahay inuu bixiyo adeegyo maaliyadeed oo tayadoooda sareyso oo waafaqsan shareecadda Islaamka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Salaam Group, agaasimiyaasha, maamulka iyo Shaqaalaha Salaam Bank, waxaana halkan uga mahadcelinaynaa IFN shaqada wanaagsan ay qabatay, iyo codeynta ay sameysay oo sare u qaadey magaca Bangiga,” ayuu yiri mudane Ibrahim.

Wuxuu intaasi ku daray: “Bangi ahaan, waxaa naga go’an inaan wax ka bedelno suuqa bangiyada ee Uganda iyo meelo ka baxsan”.

Dhankiisa, Madaxa fulinta ee bangiga Mr Mande, ayaa sheegay in aqoonsigani uu caddayn u yahay adeegga hufan ee loo qabto Macaamiisha, taasoo ku timid dedaalka wadajirka ah ee ay sameeyeen Maamulka iyo shaqaalaha Salaam Bank Uganda.
Abaalmarinnada IFN ayaa ah abaalmarin caalami ah, oo aad loo qadariyo, waxaana ku guuleysiga abaal-marintan ay muujineysaa sida Salaam Bank Uganda uga heelan yahay inuu adeegyo heersare ah u qabto Macaamiishiisa.

Sidoo kale, Abaalmarintu waxay sidoo kale qiraysaa dadaalka bangiga ee ka mid noqoshada nidaamka maaliyadeed iyo bixinta adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka, hadii ay ahaan lahaayeen kuwa shakhsiyaadka, ganacsiyada, iyo shirkadaha Uganda.

“Sida aan ugu dabaaldegeyno abaalmarintaan muhiimka ah, aan ogaano mas’uuliyadda na saaran ee ah inaan Macaamiisheenna ugu adeegno si hufan, iyo in aan kor u qaadno nolosha bulshooyinka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Bangiga wuxuu shaqada billaabay bishii September sanadkii tagey, iyadoo uu noqday midkii ugu horeeyay oo laga hirgeliyo dalka Uganda, kadib markii ruqsadda ka helay bangiga dhexe ee dalkaas.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa 27-kii March xariga ka jaray Bangiga.
Bangigaan oo hoos taga Salaam Group ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti, ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay bixinta adeegyadda maaliyadda ee shareecada islaamka ku salaysan, ee loo qabto dadka muslimiinta ah ee wadanka Uganda, oo ka ah 14% shacabka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here