Saraakiisha Ammaanka oo Shir Amni ku Yeeshay magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb – Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif, ayaa shir guddoomiyay kulan amni oo ay yeesheen ciidamada qalabka sida, kaas oo ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

 

Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug.

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ayaa saraakiisha la wadaagay qorshaha sugidda amniga doorashooyinka iyo doorka ay hay’ad kasta ku leedahay ilaalinta amniga goobaha codbixinta iyo shacabka ka qeyb galaya doorashooyinka.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga ciidamada kala duwan si loo xaqiijiyo amni buuxa inta ay socdaan howlaha doorashooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada la xiriira nabadgelyada guud ee Galmudug.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here