Idiris Cabdullahi Macalin oo ku magac-dheere (Food Cade) oo muddo 7-Sano ka tirsanaa Al-Shabab ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed t,eybta 60-Aad ee ka howl-gasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta xabsiyada ,isaga oo haatan ka soo goostey dhinaca degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka Mudug.
Sidoo kale Food Cadde ayaa ugu baaqay saaxibadiisa weli ku jira Al-Shabaab inay isaga soo baxaan, isla-markaana ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.