Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay maanta duqeyn horleh ka gaysteen gobolkaas aas, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel la helay oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir) oo ah wasiir ku xiigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntaasi ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah, laguna beegsaday xubno Shabaab ah.

Wasiir ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in xubnaha la duqeeyay ay wateen laba Cabdile, isla-markaana uu hoggaaminayay sarkaal uu magacabiisa  Khaliif Gaambe, oo uu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada Galmuudg.

Sarkaalkaas iyo xubnaha la socday ayuu tilmaamay inay goobta ku geeriyooday, sidoo kalena gabi ahaan la burburiyay gawaarida ay la socdeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xilliga la duqeyyay sarkaalkaasi uu abaabul ciidan ka waday aagga deegaanka Ceelgaras oo ay maalmo kahor la wareegaan ciidamada dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan guluf culus oo ka socda Galgaduud iyo Mudug, kaas oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here