Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga ka socday Boqortooyada Sacuudiga ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidoo kale dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.
Labda mas’uul ayaa isku raacay in la dhaqangeliyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.




