Sawirro: Axmed Madoobe & Deni oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaaladda Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland Waxaa Goroonka Adan cadde ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyo Bulshada qeybahooda kale duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Islaam Axmed Modoobe ayaa isna maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo shacab.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here