Sawirro: Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here