Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay guddiga doorashada ee heer federaal

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa xalay xarunta madaxtooyada Jubbaland  ku qaabbilay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga oo shalay gaaray Kismaayo si ay qayb uga noqdaan doorashada kuraasta golaha Shacabka ee ku asteysan Jubbaland.

Mudane, Axmed Madoobe iyo guddoomiye Muuse Geelle ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka golaha shacabka loona fududeyn lahaa iyadoo la marayo habraacyadii lagu heshiiyay oo ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo.

 Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here