SAWIRRO: Ciidanka NISA oo hub iyo waxyaabaha qarxa ku qabtay Muqdisho

0

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa gacanta ku soo dhigay hub iyo waxyaabaha qarxa kadib howlgallo ay siyaabo kala duwan uga sameeyeen Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

 

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda ayaa lagu sheegay in uu u soo gacan galay hub aad u fara badan iyo waxyaabaha oo saarnaa gaari iyo darawalkii waday.

Bayaanka Hay’adda NISA ayaa lagu xusay in howlgalka ay ku soo qabteen qof kale kaasi oo ku sugnaa guri lagu keydiyay hub fara badan oo haatan ku jira gacanta Ciidanka Nabad Sugidda.

Maalmo ka hor Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu qabtay kunteenaro ku rarnaa sida la sheegay saanad ciidan.

Isagoo warbaahinta la hadlayay ayaa Wasiiru dowlaha wasarada Amniga Maxamed Cali Xagaa, wuxuu sheegay in Ciidanka NISA ay qabteen kunteenaro saanad ciidan u siday Al Shabaab.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabad Sugidda sida ay xoojisay ka hortegga qorshaha Ururka Al Shabaab.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid aad loo adkeeyay iyadoo waddooyinka caasimadda lagu arkayo ciidamo baaraya gaadiidka dad weynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sheegay in ciidamo lagu soo tabbabaray Dalka Uganda, ay xasilooni ku dabaaleen Magaalada Muqdisho, isagoona ku ammaanay Ciidanka cusub juhdiga ay ku gelinayaan badqabka Shacabka iyo caasimada Dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here