Sawirro: DF oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ku go’doonsanaa Sudan

0

MUQDISHO (SMN) – Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia markii dagaaladu ka qarxeen Sudan.

 

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, howl wadeenada xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga ayaana soo dhaweeyey.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u soo celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalada ka socda Sudan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here