Sawirro: DF Soomaaliya oo gaadiid dagaal kala wareegtay Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowladda Turkiga kala wareegtay Gaadiidka ciidanka oo loogu tala galay in xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kumaandooska Gorgor ay ku howlgalaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo ay wehliyaan  Saraakiil ka tirsan Taliska CXDS ayaa gaadiidkaan kala wareegay xubno ka tirsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka socotay Turkisom.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada dadaallo xooggan oo lagu tayeynayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here