Sawirro: Guddiga Somaliland oo soo gabagabeeyey doorashada BF Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi {Somaliland} ayaaa maanta soo gebagabeeyay doorashada xildhibaanada Golaha Ghacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.

Saddexdii kursi ee ugu dambeysay kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta la doortay, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Marwo Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga HOP#243.

2-Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku guuleystay HOP#206.

3-Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ku guuleysray kursiga Hop#259.

Si kastaba, tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here