MUQDISHO (SMN) – Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.
Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (๐๐๐ซ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐๐ง๐๐ ๐๐ฎ๐๐ข๐ญ) oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS
XHG oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay Waaxda Baarista Waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo Bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta Waaxda Baarista Waxqabadka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-