Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn culus oo ka dhacday Shabeelaha Hoose

0

MARKA (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn ay xalay diyaarado dagaal ka gaysteen degmada Kunya-barrow ee gobolka shabeelaha Hoose, taas oo lala eegtay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dhuftay dhowr gantaal.

Saraakiisha la duqeeyay ayaa waxaa ku jira kuwa ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana magaalada Kunya-barow laga dareemayaa saameynta duqeynta ka dhacday halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here