Sawirro: Galmudug iyo Puntland oo heshiis ku kala saxiixday Gaalkacyo

0

Kulan looga arrinsanayay dardar-gelinta xoojinta amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay ay si weyn isaga kaashanayeen dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulankn oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirada Amniga Dowlad Gobaleedyada Puntland iyp Galmudug, saraakiisha laamaha Amniga labada Maamul, Guddoomiyeyaasha Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa intii uu socday looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana hal meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ka shaqeyneysa amni darro.

Shirka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo tilmaamay in kulanka la isku raacay sidii wadajir looga hortagi lahaa falalka amni darrada ah ee ka dhaca koonfurta & waqooyiga Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here