Sawirro Guddoomiyaha BF oo wada-hadal la yeeshay James Swan + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay ka wada hadleen is bedelka hogaamineed ee dalka uu yeeshay iyo sidii loo horumarin lahaa hanaanka dowladnimo ee dalkenna.

Danjire James Swan ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku bogaadiyay dooraashadii sida dimuquraadiyada aheyd ee ay ku dhacday taas noqatay mid lagu wada qanacsanaa natiijada ka soo baxday.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo danjiraha ku boggaadiyey taageeridda iyo garab istaaga  Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka geeddi socodka dalka uu hiigsanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here