Sawirro: Guddoomiyaha SoDMA oo kulan deg-deg ah la yeeshay bulshada rayidka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale.

 

Xubnahan ayaa waxaa looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka
El-NiƱo.

Sidoo kale Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here