Sawirro: Guuleed oo Catriona Laing kala hadlay wadahadallada DFS iyo Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim xussein Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing

 

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.

Ergayga ayaa Wakiilka Q/M ee Soomaaliya uga warbixiyay dedaalada DFS ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in DFS ka go’antahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Wakiilka Qarada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here