MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta waxa uu shixnad gargaar mucaawino ah ka guddoomay Hay’adda bisha Cas Turkiga kaas oo hay’addaas uga qaybqadanayso gurmadka loo fidinayo dadka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Gargaarkaan ayaa ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee isku darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa u mahadnaqay Hay’adda bisha Cas Turkiga iyo dhaman shacabka dalkaas, waxaana uu balan qaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-