Sawirro: Jubaland oo gacanta ku dhigtay koox arday ka tahriibineysay maamulkaas

0

KISMAAYO (SMN) – Booliska maamulka Jubaland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyen deegaanno ka tirsan maamulkaas ay ku soo qabqabteen dad dhalinyaro ah oo arday ah iyo mukhallasiin dooneyay in da’yartaas ay tahriibiyaan.

 

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in kooxda tahriibinta wadday ay tahay shabkad isku xiran isla markaana ay hadda iyaga iyo gaadiidkii ay adegsanayeen ay gacanta ku hayaan, maxkamadna ay soo taagi doonaan dhawaan.

Waalidiinta ayay ku booriyeen boolisku in ay ka war-qabaan ubadkooda xilliyada wax barashada ay ku jiraan.

Inkastoo dadkaan lagu soo qabqabtay howlgal qaatay ugu yaraan 48 saacadood, haddana boolisku ma sheegin halka loo tahriibinayay ardayda ay ka badbaadiyeen in dalka si qarsoodi ah looga dhoofiyo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here