Sawirro: Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socda DF Soomaaliya

0

BAYDHABO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku Qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Agaasimaha guud Hay’aada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Cilmi Cali oo uu qeyb ka ahaa Agaasime ku xigeenka dhanka Howlaha Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed.

Kulan saacado qaatay Madaxweynaha iyo Wafdiga waxay uga Wada hadleen Arimaha Socdaalka iyo Jinsiyada.

Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr  Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdifatax Mahad iyo Agaasimaha Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Qeybta Koonfur Galbeed Mudane Cumar Xaaji Ibraahim.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here