Sawirro: Madaxweynaha cusub oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka iyo Booliska.

Taliyeyaasha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda ammaan ee dalka la wadaagay Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here