Madaxweynaha JF oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Abiy

0

Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

MW Maxamed Cabdullahi Farmaajo“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa  Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay  horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here