Sawirro: Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socda QM

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda  Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Baydhabo.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaysay Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

Kulanka Lafta Gareen iyo wafdiga QM ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Intiisa badan waxaa kulankan looga Hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, Doorashooyinka socda iyo sidoo kale Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here