Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shirka Midowga Afrika

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here