Sawirro: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kormeer ku tegay isbitaalka Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay Al-Shabaab la eegteen.

Cali Guudlaawe oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Ugu dambeyhn Madaxweynaha ayaa Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here