Sawirro: Marwada Madaxweynaha oo daah-furtay Olole lagu taageerayo Naafada

0

MUQDISHO (SMN) – Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo Madaxtooyada Qaranka ku guddoonsiisay qaar ka mid ah dadka naafada ah agab loogu tala galay, ayaa ku baraarujisay dadka Somaaliyeed in ay garab istaagaan dadkeenna naafada ah ee u baahan daryeelka.

Marwo Saynab ayaa tilmaamtay in xilligan dalkeenna ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada, si gaar ahna ay waxyeelladeeda ugu nugul yihiin dadka naafada ah, waxa ayna muujisay in colaadihii iyo dagaalladii sokeeyo ee horey uga dhacay dalka ay sababeen tirada muuqata ee dadka naafada ah.

“Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku dhiirrigelinayaa in ay caawiyaan oo garab istaagaan walaalohooda naafada ah ee u baahan daryeelka. Soomaaliya waxa ay ku badbaadday waa is-garabsiinta iyo isu naxariisashada, waxaana taas cadayn u ah in ka badan 20 sano oo aan burbur ku jirnay iyo sida aan uga soo gudubnay caqabado badan oo na soo wajahay”

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Guddoomiye Ku-xigeennnada Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud iyo Xiriiriyaha TIKA ee Soomaaliya Mudane Ilhami Turus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here