Sawirro: Maxaa ka socda saldhigga Booliska ee garoonka Aadan Cadde?

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan deg deg ah oo looga hadlayey amniga guud ee dalka iyo kan doorashada oo goordhow ka dhacay xarunta saldhigga Booliska ee AirPort-ka Aadan Cadde.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa inta badan kulanka diiradda lagu saaray xaaladda taagan, gaar ahaan muranka ka dhashay doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here