MUQDISHO (SMN) – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka dhinteen askartii Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu dilay weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
- Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
- Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.


![Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/09/aea5fe62-aa1e-495f-834a-b51e9a725325-1-1200x800-1-150x150.webp)


