Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada ee Puntland?

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay wasaaradaha kala duwan ee Puntland, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here