Sawirro: Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland?

0

KISMAAYO (SMN) -Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay shir gudoomiyey kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa golaha uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray wasiirada in ay ka shaqeeyaan howlaha loo igmaday si loo sameeyo isla xisaabtan shaqo, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here