Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo safiirka UK?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta  aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.

Waxaa kulanka ka Madaxweynaha ku wehelinayay qaar kamid ah golaha wasiirada oo uu kamid yahay  Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka  Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here