Sawirro: Maxay ka wada-hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawaldda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi,

Wasiirka iyo Danjiraha kawada hadleen iskaashiga ka dhexeeeya Dawladdaha Talyaaniga iyo Soomaliya sidii loosii xoojin lahaa gaar ahaana dhanka duulimaadyadda.

Ugu horayn Danjire Alberto Vecchi ayaa Wasiir Duran Axmed Faarax warbixin ka siiyay hawlaha horumarinta duulimaadyadda Soomaaliya ee dawladda Talyaaniga gacanta ka gaysato.waxaa uu sheegay in dawladda Talyaaniga ay ku faraxsan tahay wada shaqaynteeda wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka XFS ayaa uga mahad celiyay dawladda talyaaniga iskaashigeeda ay la leedahay wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka ah,

Ugu dambayn Wasiirka ayaa sheegay in Hay,adaha Talyaaniga ee wada shaqaynta la leh Hay’adda duulita rayidka uu ku faraxsan yahay sida ay wada shaqaynayaan, waxaana hay’adahaas ay ka caawiyaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed siiso SCAA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here