Sawirro: Maxay ka wada-hadleen duqa Muqdisho iyo wasiirka caafimaadka?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ee  iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan ayaa looga hadlay waxyabihii ka qabsoomay horumarinta adeegyada Caafimaadka, tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir Wasaarada Caafimaadka kala soo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda taas oo kasoo wareegatay mudo 1-Sano ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray waaxda Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar in sanadkan 2022 ay xooga saaraan sidii bulshada Caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada Caafimaad oo tayo leh islamarkaana bilaash ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here