Maxay ka wada-hadleen Maxamuud Macallin iyo safiirka Sacuudiga?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kulan looga hadlayay is-kaashiga iyo maalgalinta mashaariicda soo kabashada iyo la qabsiga la qaatay safiirka Boqortooyada Sucuudiga Axmed bin Maxamed al-Mawlid.

 

Kulanka waxaa si weyn diiradda loogu saaray taageerada wax soo saarka beeralayda iyo xoola dhaqatada oo ay ku jiraan kuwa colaadaha, fatahaadaha iyo abaaruhu saameeyeen, dhisidda iyo dib u dayactiridda waraha biyaha lugu kaydiyo, dhisidda xarumaha ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee maamul goballeedyada, agabka caafimaadka iyo taageeridda xarunta ka digista halis wadareedka ee hay’adda iyo qodobbo kale.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dedejinta mashaariicda socota iyo gudbinta kuwa kale ee hortebinta mudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here