Sawirro: Maxay ka wada-hadleen wasiir Fawziya iyo duqa Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka wasaarada Caafimaadka ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsiho Mudane Cumar Maxamed  Maxamuud (Cumar Filish).

Fawziya Abiikar Nuur iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqeenta Maamulka Gobolka Banaadir & Wasaarada Caafimaadka gaar ahaan Hormarinta Adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir, tayaynta adeeg bixinta talaalka iyo dhismaha xarunta Kaydka talaalka ee Degmada Abdiaziz.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimayaal ka tirsan Wasaarada Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ugu danbeytii Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo maamulkiisa sida ugqaadnayaa daadejinta adeega caafimaadka ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here