Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ra’iisul wasaaraha XFS iyo Antonio Guterres?

0
Secretary-General António Guterres (right) meets with Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.

NEW YORK (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Secretary-General António Guterres (right) meets with Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here