Sawirro: MW Qoor Qoor oo kormeeray talisyada ciidamada Galmudug + ujeedka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa  kormeer ku tagay talisyada ciidamada qalabka sida ee maamulkaasi.

Kormeerka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay ka soo hoyeen howlgalkii xasillinta caasimadda iyo deegaanada hoos taga, isaga oo ku dhiirigeliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan sida naf hurnimada leh oo ay waajibkooda u gutaan oo ah difaaca nafta iyo sharafka shacabka reer Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here