Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Axmed Madoobe + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaaty.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here